GARBAHAAREY (SMN) – Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Guddoomyaha Gobolka Gedo oo Dowldda Federaalka ay ka dirtay Magaalada Muqdisho, ayaa loo diiday in ay ka degaan Garoonka Magaalada Garbahaarey oo sida la sheegay ay amnigiisu gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, sida ay oggaatay Idaacadda Shabelle.
Safarka Wafdigan oo fududeyntiisu uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday Taliska Howlgalka KMG ah ee ATMIS ayaa dhex laga soo celiyay kadib markii loo baqay amniga mas’uuliyiintii laga duuliyay Magaalada Muqdisho.
Iyagoo ka jawaabaya eedeyn ah in ciidankoodu celiyeen diyaarada, ayaa Taliska ATMIS wuxuu ku wargeliyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in waajibkooda ay guteen, balse wafdiga dib loo soo celiyay sabab la xiriirta markii la waayay cid qaadata mas’uuliyada badqabkooda.
Waxaa xusid mudan in Maamulka Jubaland uu uga digay Xafiiska Qaramada Midoobay iyo howlgalka ATMIS in diyaaradooda loo adeegsado dano siyaasadeed oo lid ku ah doorashada dadban ee madaxweynaha Jubaland oo la filayo in berri oo Isniin ah lagu qabto Magaalada Kismaayo.
Inkastoo ay xiisad siyaasadeed u dhaxeyso Maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka, haddana waxaa xusid mudan in Gobolka Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan oo ka madax-banaan howlgalka KMG ah ee ATMIS.