Hague (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta gaaray magaalada Hague ee dalka Netharland, si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Maxkamadda ayaa 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda.