Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Shir Caalami ah oo ka dhacay Geneva

0

Geneva, Switzerland – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 151-aad ee Shirweynaha Baarlamaanka Adduunka (Inter-Parliamentary Union – IPU) oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Shirka sanadkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda howlaha bani’aadantinimo xilliyada dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka jira meelo badan oo dunida ah. Inta lagu guda jiro kalfadhiga, wakiillada ka socda baarlamaanada adduunka ayaa ka doodi doona arrimo muhiim ah oo la xiriira xasilloonida, amniga, iyo xuquuqda dadka, iyaga oo is-dhaafsan doona aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa caqabadahaas.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda dadaallada bani’aadantinimo, iyadoo la jaanqaadaysa mowduuca shirka ee sanadkan.

Wafdiga Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la filayaa inay la kulmaan dhiggooda ka socda dalal kale si loo xoojiyo xiriirka iskaashi ee baarlamaanada caalamka iyo in la helo garab diblomaasiyadeed oo sii xoojiya dadaallada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here