JOWHAR, 2 Sebteembar, 2025 (AFP) – Wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabelle, si ay u fuliyaan qiimeyn amni oo hordhac u ah imaanshaha guutadooda qayb ka noqonaysa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hoggaaminayey Sareeye Guuto Islam Radwan ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyey Taliska Guud ee Qaybta 5-aad ee Ciidanka Soomaaliya iyo Taliyaha guutada ciidanka Burundi, G/Sare Oscar Hatungimana, oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM/AUSSOM.
Ujeedka safarka wafdigan ayaa ahaa in ay daraasad amni ku sameeyaan deegaanada ay ciidamada Masar ka howlgali doonaan, si ay uga qeyb qaataan qorshayaasha amniga iyo isbeddelka lagu wado marka ciidamada Midowga Afrika si tartiib tartiib ah ugu wareejiyaan masuuliyadda amniga ciidanka Soomaaliya.
Intii ay joogeen Jowhar, wafdiga Masar ayaa warbixin buuxda ka dhageystay saraakiisha Burundi oo ka warbixiyey xaaladda amniga gobolka Shabeellaha Dhexe, caqabadaha taagan iyo qaabka looga hortagi karo khataraha Al-Shabaab.
Kadib warbixinta, wafdigu waxa uu kormeer ku sameeyey xarumo muhiim ah oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo loo diyaarinayo in ay saldhigyo u noqdaan ciidamada Masar marka ay yimaadaan.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Midowga Afrika iyo beesha caalamka ay ku taageerayaan Soomaaliya, si loo xoojiyo xasilloonida loona fududeeyo kala-guurka mas’uuliyadda amniga ee AMISOM loona wareejiyo ciidanka Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in guutada ciidanka Masar ay si rasmi ah u soo gaarto Soomaaliya bilaha soo socda, iyadoo qorshayaal lagu kordhinayo taageerada milatari iyo farsamo ee dalka ay socdaan.




