Wafdi Ka Socda SoDMA oo Gaaray Kuwait si Xoojiyo Iskaashiga Maaraynta Musiibooyinka

0

KUWAIT, February 8, 2025 – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa gaaray dalka Kuwait, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Maxamed AlQahtani, Madaxweyne ku xigeenka Dab-demiska iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Kuwait.

 

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka banii’aadannimo. Shirkan, oo si gaar ah looga hadlayo xaaladaha banii’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee dalka.

Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda shirkaan ay tahay in la hubiyo sidii loo taageeri lahaa shacabka Soomaaliyeed, maadaama qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ay istaageen gargaarkii ay siin jireen dadkii ugu baahan ee dalka.

Wafdiga ayaa ku baaqay in wadajir looga howl-galo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ba’an ee ka jira Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here