Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wafdiga maanta yimid  muqdisha ee uu hoggaaminayay Xog-hayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, ay ka wada hadleen xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha ay Soomaaliya iyo Itoobiya isku hayaan.

 

Wasiir Fiqi “Wafdiga maanta noo yimid waxaan kala hadalnay xaaladda gobolka oo ay ku jiraan arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya isku hayaan.”

Wasiirka ayaa sheegay in ay labda dhinac ka wada hadleen arrimaha mandiqadda ee ku saabsan nabad gelyada bulshada, siyaasadda, iskaashiga gobolka, kobcinta dhaqaalaha.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo wafdiga ay isla garteen in Soomaaliya laga sameeya xarunta dhaqaalaha baluugga ah (Blue Economy center) ee hoos tagta IGAD, maadaama ay Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada Afrika ugu xeebta dheer loogana faa’iideeyo dhammaan waddamada gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here