Wafdi Ka Socday FAO Somalia oo Boqday Tuulada Sabuun ee Magaalada Jowhar

0

Jowhar — magaalada Jowhar, ciidamada AUSSOM ayaa sugay amniga wafdi ka socday FAO Somalia, kaas oo kormeer shaqo ku tagay tuulada Sabuun si uu qiimeyn farsamo ugu sameeyo xarun-biyoood oo muhiim ah.

 

Booqashada tuulada Sabuun waxaa ujeedadeedu ahayd in la ogaado baahiyaha kaabayaasha hortabinta leh, lagu taageero horumar waara oo bulshooyinka deegaanka ah, isla markaana la la xaajoodo mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle si loo isku waafajiyo arrimaha muhiimka ah, dib loo eego shuruudaha farsamo, loona qorsheeyo sanadka 2026-da.

Ciidamadu waxay xaqiijiyeen in sugidda amniga bahwadaagta arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada ay weli udub dhexaad u tahay waajibaadka Amniga, taas oo u sahlaysa laamaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn in ay dadka gaarsiiyaan gargaarka muhiimka ah iyo horumarinta hab-nololeedka bulshooyinka.

May be an image of textMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here