MUQDISHO– Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, oo uu hoggaaminayay Madaxa Xiriirka Dowladaha ee Federaalka Booliiska Jarmalka, Mudane Colonel Niels Zimmermann, ayaa booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’adda, Mudane Mustafa Dhuxulow.
Booqashadan oo ka dhacday magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta Baasaboorka Soomaaliga, iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.
Intii lagu guda jiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen nidaamka maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka koowaad iyo labaad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada (Document Examination) iyo Fraud Detection Unit, iyo guud ahaan nidaamka maareynta xuduudaha. Wafdigu waxa ay si gaar ah u qiimeeyeen doorka HSJ ee sugidda amniga qaranka.
Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Dhuxulow, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay wafdiga, isaga oo uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa kalsooni, ixtiraam, iyo xiriir diblumaasiyadeed oo adag oo u dhexeeya labada dal.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay HSJ uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta caalamiga ah, horumarinta iskaashiga hay’adaha la midka ah, iyo muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga khibradaha si loo dhiso hay’ad awood leh oo la jaanqaadaysa heerarka iyo nidaamyada caalamiga ah.
Kulamada labada dhinac ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada la xiriira ka hortagga tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda iyo tayada shaqaalaha hay’adda.






