Wafdi ka socday Midowga Yurub oo Muqdisho booqasho rasmi ah ku yimid

0

Muqdisho – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku joogay caasimadda intii u dhexeysay 13 ilaa 16-ka Oktoobar.

 

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Dorota Dlouchy-Suliga, Madaxa Qaybta Qaramada Nabadda Yurub (EPF), iyo Raimondo Bussi oo ah Madaxa Unugga Siyaasadda Dibadda ee Gudiga Midowga Yurub, ayaa ujeeddadoodu ahayd xoojinta iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya.

Intii ay joogeen Muqdisho, wafdiga ayaa la kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Lataliyaha Amniga Qaranka. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga Yurub ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo mustaqbalka iskaashiga amni ee labada dhinac.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday xarunta tababarka ciidamada ee Janaraal Dhagabadan, halkaas oo ay ku wareejiyeen qalab ciidan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya. Taageeradan ayaa qayb ka ah howlaha Midowga Yurub uu ka wado dalka ee la xiriira tababarka, qalabaynta, iyo la-talinta ciidamada.

Midowga Yurub ayaa tan iyo 2021 si weyn u taageerayay ciidamada Soomaaliya, waxaana uu ku bixiyay in ka badan €110 milyan oo Euro, iyada oo sidoo kale la taageerayay howlgalada Midowga Afrika sida AMISOM, ATMIS iyo hadda AUSSOM.

Safiirka Midowga Yurub Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, si dalka u gaaro amni buuxa oo uu isaga masuul ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here