Wafdi Sare oo ka Socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo Gaaray Laascaanood

0

Laascaanood – Wafdi sare oo ka socda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Dowlad-Goboleedkan.

 

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Muumin Xasan Barre. Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti, Mudane Ridwaan Xirsi Bahdoon, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti, saraakiil ciidan, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Rashiid.

Wafdiga Jabuuti ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Laascaanood, waxaana halkaasi ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulkaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ka hor inta aan loo galbin gudaha magaalada Laascaanood.

Booqashada wafdiga Jabuuti ayaa muujinaysa xiriirka dhow ee walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay Jabuuti u muujinayso geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xasillinta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here