Wafdi uu hogaaminayo Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle oo gaarey dalka Congo

0

KINSHASA – Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo wafdi Ganacsato Soomaaliyeed. Wafdigaan Ganacsato waxaa hogaaminayay Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle.

 

Safarka Ganacsatada ayaa daba socdo kulamo mudo sanad ah u socday Safaaradda dalka DRC Congo ay ku leedahay dalka Kenya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya iyaga oo kaalmeysanaya Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliyeed ayaa ku sii baahaya guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta qaaradda Africa. Ku biiritaanka ay Soomaaliya ku biirtay Urur Goboleedka Bariga Afrika taas oo sidoo kale siii dhiirigaliyay in ganasatada Soomaaliyeed inay ku dhiiradaan in ganasigooda ku baahiyaan suuqayada Bariga Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka Ganacsata dalka DRC Congo ayaa intooda badan ganacsigooda waxa uu si toosa ugu xiran yahay dalka Kenya sida shidaalka, Gawaarida isaga gooshta dalka Congo, Kenya, Zambia Koonfurta Suudaan. Ganacsatada ayaa waxa soo foodsaara caqabado iyo culeyso kala duwan, kuwaas oo u baahan in laga caawiyo.

Hadaba Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo safaarada dalka DRC Congo ee dalka Kenya ayaa si wada jira u soo qaban-qaabiyay safarkaan isugu jira xog-wareeysi, fududeynta ganacsiga dadka Soomaalida iyo dhiirigalinta fursadaha ganacsi oo ay ka faa’iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa horay ugu guulaysatay inay xabsiga ka soo deyso Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka DRC Congo.

Wafdigaan ayaa inta ay joogaan dalka DRC Congo waxa ay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee Dowlada DRC, Ganacsato, hay’adaha bixiyo shatiyada ganacsiga, xarumaha ganacsi sida Bangiyadda, xaruumhaa dhismaha iyo shidaalka.

Waxa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee haatan ka ganacsada dalka DRC Congo, iyaga diiradda lagu saarayo caqabadaha haysta gabacsatada iyo sidii wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here