Wafdi uu hoggaaminayo R/W ku xigeenka XFS oo gaaray Jowhar + Sawirro

0

JOWHAR (SMN) – Wafdi uu hoggaaminaayo ku simaha Ra’isulwasaraha ahna Ra’isulwasare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, qeybna ay ka yihiin Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Wasiirada Beeraha, iyo Tamarta XFS, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Wafdigaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daafurka Mashruuc JOSP, oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370K oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, Yareeynta khataraha fatahaadaha gobalka oo saameyaan ilaa 1.5 Million oo muwaadin.

Sidoo kale mushraacan ayaa yareen doona saamaynta abaaraha iyo keedinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here