Wajiga cusub ee dhismaha SSC-Khaatumo oo la guda galay – Xildhibaanada la soo xulayo

0

Laascaanood – Ergada dhiseysa Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa u gudbaysa wejiyada xiga ee dhismaha maamulka cusub, iyagoo bilaabaya soo xulista xildhibaanada dowlad-goboleedka, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh.

 

Xildhibaanada maamulka cusub ayaa la qorsheynayaa in ay ka koobnaadaan 83 xubnood, kuwaas oo si caddaalad ah uga imaanaya beelaha deegaanka wada dega ee ku midoobay dhismaha maamulka.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in marka la dhammeeyo habraaca soo xulista xildhibaanada, la guda geli doono doorashada hoggaanka sare ee maamulka, taasoo ay hoggaamin doonaan xildhibaanada cusub ee la magacaabo.

Shir ballaaran oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood ayaa lagu dhawaaqay magaca rasmiga ah ee maamulka cusub ee ka kooban gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana loo bixiyay magaca Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Intii uu socday shirka, waxaa si rasmi ah loo ansixiyay dastuurka maamulka cusub iyo calankiisa, waxaana oggolaaday 417 xubnood oo ka socday beelaha deegaanka iyo waxgaradka shirka ka qaybgalay.

Dhismaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu tilmaamay dadaal siyaasadeed oo ku wajahan xal u helidda cabashooyinka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada Sool iyo Sanaag, iyada oo la doonayo in loo dhiso nidaam dowladeed oo deegaanku leeyahay.

Wararku waxay tilmaamayaan in wejiyada kale ee dhismaha maamulka ay si dhakhso ah u billaaban doonaan, iyadoo lagu wado in xildhibaanada lasoo dhiso ka hor dhamaadka bisha Agoosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here