SSC-Khaatuma oo shaacisay inay isaga baxday PUNTLAND

0

LAASCAANOOD (SMN) – Isimada dhaqanka SSC-Khaatuma ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaan isaga baxeen kasii mid ahaanshaha Puntland, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Laascaanood.

 

Isimada ayaa ku dhawaaqay in aysan ka qayb-gelin doonin doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxa ay sheegene inay yihiin laba maamul oo daris ah, isla-markaana ay u rajeynayaan nabad iyo doorasho wanaagsan.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa, waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo joogo oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale ma jir wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan go’aanada kasoo baxay Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatuma.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilliay weli dood ka taagan tahay doorashada Puntland oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here