BARAAWE, Soomaaliya – Qarax miino oo lala beegsaday gaari qaad siday ayaa ka dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Baraawe ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin amni.
Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ambareesa iyo garoonka, qiyaastii 5km u jirta bartamaha magaalada. Waxaa ku dhintay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Wixii kusoo kordha warkan, kala soco wararkeena dambe.



