War murtiyeed ka kooban lix qodob oo laga soo saaray shirkii Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii wadatashiga ee u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka.

 

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa socday muddo laba cisho ah, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda ayaa shirkooda ka soo saaray lix qodob, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, waxayna kala yihiin:-

  1. Nooca doorashada dalka
  2. Nidaamka madaxtinimada dalka
  3. Nidaamka xisbiyada badan
  4. Guddiga doorashada qaranka
  5. Mideynta muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada
  6. Habraaca dhameystirka dib u eegista Dastuurka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Shirka oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga soo saaray warmurtiyed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here