Wararkii ugu dambeeyay booqashada madaxweynaha JFS ee Sacuudiga

0

RIAYAAD (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

 

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillo.

Xasan Sheekh ayaa haatan booqasho ku joogo dalka Sacuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Boqorka dalkaasi Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here