Wararkii ugu dambeeyay dabka ka kacay suuqa magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Dabka xoogan oo ka kacay suuqa way nee magaalada Jowhar ayaa dhaliyay qasaaro hantiyadeed oo soo gaaray ganacsatada suuqaasi, kadib markii ay ku hanti belay dabkii saaka ka kacay halkaasi.

 

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqday suuqa, waxaana uu ganacsatada u rajeeyay beddel wanaagsan iyadoo uu tilmaamay in wadajir gacan looga geysan doono sidii ay ganacsatada uga soo kaban laheyd.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Hay’addaha ammaanka baaris deg deg ah oo la xiriirta sida uu ku yimid dabka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kaga tacsiyeeyay ganacsatada musiibadii ku dhacday Waxaan uu ugu baqaay Maamulka Degmada Jowhar iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Magaalada Jowhar in laga wada arinsado sidii xal loogu heli lahaa dabka soo noqnoqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here