Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Galgaduud

0

XERAALE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa waxa uu si gaar ah uga socdaa deegaanka LAandheer 20 km u jira Magaaladda Huurshe Ee Gobalka Galgduud.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, maadaama weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan,Β Β waxaana ilaa haatan goobta laga maqlayaa daryanka rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in kadib Salaadda Subax ee saakay ay maqlayeen daryanka rasaasta la isku adeegsanayo, waxaana qayb ka ah gaadiidka dagaalka oo sida la sheegay maleeshiyaadku haystaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli dagaalka uu socdo, isla-markaana aysan jirin wax maamul ah oo ilaa haatan ku baxay dagaalka ka dhacay halkaasi.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameynta ugu badan ku yeesha dadka deegaanka ee ku nool gobolladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here