Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay degmada Luuq

0

LUUQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogananaa  isla markaana uu gaystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaba amniga oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay magaalada Kismaayo lagu soo xiray shir dib u heshiisiin ah oo u dhexeeyay odaayasha labada beelood ee haatan ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here