Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka socda gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed khasaare gaystay oo goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan ka socda deegaanka Taragaduud oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, wuxuuna u dhexeeyaa maleeshiyaad kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Ceelgaras ee gobolkaasi.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana dhaawac soo gaaray mid kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah.

Shalay ayay ahayd markii aano qabiil darteed deegaanka Bulacle oo hoosataga degmada Dhuusamareeb loogu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo joogay gurigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here