Wararkii ugu dambeeyay doorashada berri ka dhaceysa deegaanada SOMALILAND

0

HARGEYSA (SMN) – Maalinta berri ah, kuna beegan Arbaco,13-ka Novermber shacabka Somaliland ayaa u dareeri doona goobaha cod bixinta iyaga oo soo dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

 

Illaa saddex xisbi oo kala ah Waddani, Kulmiye iyo UCID ayaa ku tartami doona hoggaanka maamulka Somaliland, kuwaasi oo ay u kala sharaxan yihiin Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi iyo Feysal Cali Waraabe.

Waxaa hadda soo dhamaaday ololihii doorasho ee saddexda Xisbi iyo ururada kala taageera, iyaga oo fagaarayaasha kusoo bandhigay cududooda, mid walibana waxa uu sheegay waxqabadkiisa iyo waxa laga filan karo.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa soo rogaya awaamiir la xiriirta hab baratakoolka goobaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in si nabad-gelya ah ay ugu dhacdo doorashada.

Qaar kamid ah howlwadeenada loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka ayaa la ceeriyay kadib markii lagu helay musuq-maasuq, inta uu socday ololaha doorashooyinka.

Gobolka ay Somaliland ula baxda Saaxil waxaa la ceeriyay dhammaan howlwadeenadii doorashooyinka iyadoo kuwa kale lagu beddalay, halka Hargeysa qaar kamid ah iyana la ceyriyay kadib markii lagu helay musuq-maasuq.

Ammaanka guud ahaan ee Somaliland ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heegan buuxa la galiyay ciidamada maamulkaasi, kuwaas oo sugaya amniga inta ay socota doorashadu.

Dhinaca kale, deegaanka Qorilugud iyo deegaanada ku xeeran dagaalada ka dhacay awgeed doorasho kama dhaci doonto, maadaama halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed, welina la’isku hor fadhiyo.

Somaliland waxaa ka dhici doonto doorasho adag oo qof iyo cod ah, taas oo si weyn loogu loolami doono, balse la arki doonee cidda ku soo baxda doorashadaas oo ah mid xasaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here