BOOSAASO (SMN) – Ciidanka Puntlan oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa duqeyn xagga cirka ah iyo weerarro dhanka dhulka ah ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiska ee Gobolka Bari.
Howlgalkaan oo ahaa mid qirsheysan ayaa lagu qaaday deegaanka Deylaamo iyo toga ceelka ileed ayaa ,iyadoo la bartilmaameedsaday fariisimo ay leeyihiin kooxda Daacish iyo goobo ay u yaalleen saadka.
Duqeymaha dhanka cirka ah oo ay barbar socdeen weeraro dhanka dhulka ah oo ay fuliyeen cidanka Puntland ayaa lagu waramay in waxyeello ba’an la gaarsiiyay argagixisada ,isla markaana la burburiyay hub iyo qalab kale oo ah walxaha qarxa.
Afhayeenka ciidanka puntlan Jeneraal Faadhigo ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha dhimashada iyo qalabka kale ee ay ka qabsadeen kooxdaasi wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan soo afjaridda Daacsih.
Dhowaan ayeey aheyd markii kooxdaasi oo soo wwerartay fariisin ciidan oo ku yiillay gaaheel laga dilay tiro badan oo maleeshiyo ah oo ay ku jireen 8 kamid ah ajanabiga calooshood u shaqeystayaasha ah.