Wararkii ugu dambeeyay ee aaska Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye

0

MUQDISHO (SMN) – Qaban-qaabada aas Qaran oo loo sameynayo AUN Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka socota Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho halkaas oo goordhow laga soo dajinayo Meydka marxuumadda.

 

Alle ha u naxariistee Wasiirada ayaa shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti waxaana aaskeeda ka qeyb galaya Madaxda Qaranka iyo Boqolaal dadweyne ah.

Marxuumadda oo mudo dheer usoo shaqeyneysay qaranka waxaana geerideeda ka tacsiyeeyay madax kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Geerida Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ahayd mid natxin leh, waxayna qayb ka ahayd wafdi uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Xamza oo booqasho ku joogay dalka Jabuuti.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here