Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka shirka Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shir laba geesood ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo madaxdii hore ee dalka, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

 

Shirkan oo ay  gogashiisa dhigtay DFS ayaa waxaa lagu casuumay madaxweynayaal hore, raiisul wasaarayaal hore iyo guddoomiye baarlamaanadii hore ee dalka, si ay wadahadal ula yeeshaan madaxda sare ee dowladda.

Ajendaha kulanka ayaa lagu sheegay in looga wada xaajoonayo qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay inta badan xubnaha mucaaradka ka horyimaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu taageero u raadinayo meel marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu go’aamiyay nooc doorasho iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , dagaalka Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here