Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada ka socda deegaanada Galmudug

0

GALCAD (SMN) – Ayadoo weli ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdaan gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa loogu baaqay shacabka Galmudug inay qaataan doorkooda ku aadan howlgallada xoreynta ee ka socda Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

 

Maxamuud Cali Xaashi oo ah qabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in shacab iyo madax Galmudg looga baahan yahay inay u diyaar u garoobaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Ninkan ayaa tilmaamay in Ceelbuur iyo Galhareeri oo la xoreeyo ay muhiim  u tahay dhammaan dadka reer Galmudug, isla-markaana ay tahay in laga wada qayb qaata, lana taageero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga faa’iideysto fursadda dowladda, gaar ahaan go’aanka madaxweynaha ee ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana howlgallada xoogooda ay ka socdaan aagga degmada Galcad iyo koonfurta gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here