Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada ka socda koonfurta gobolka Mudug

0

CAAD (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus ka wadaan koonfurta gobolkaasi.

 

Ciidamada isbaheysanaya ayaa maalmo ka hor Al-Shabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug, kadib howlgallo culus oo ay qaadeen.

Sidoo kale waxa ay haatan kusii siqayaan deegaano kale oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay laga dareemayo guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay inay diyaar garoobeen, isla markaana ujeedka uu yahay inay xoreeyaan dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here