JIGJIGA (SMN) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo shalay ka dhacay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, kaas oo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Booliska.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa aad u kordhay, waxaana dhibaatada ugu badan ay kasoo gaartay dadka deegaanka ee dagaalka la galay ciidanka Liyuu Boolis.
Illaa 100 qof oo dhaawacyo ah ayaa la geeyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyada oo weli xaaladdu ay kacsan tahay.
Halkan hoose ka daawo wararkii ugu dambeeyay:-