Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Doolow, kadib dagaalkii ka dhacay

0

DOOLOW (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha degmadaasi oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

Labada dhinac ayaa lasoo warinayaa in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan halkaasi, taas oo keeni karto in mar kale ay isku dhacaan labada ciidan.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 askari oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, waxaana sidoo kale barakacay dadka deegaanka.

Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay ka hortegtay weerar ay sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen garoonka Doolow, kadibna dagaalkii dhacay ay uga saartay degmadaasi.

Dhankeeda dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn u jeedisay Axmed Madoobe oo ay sheegtay in lagula xisaabtami doono tacadiyo ay tilmaamtay inuu ka wado deegaannada Jubbaland.

Sidoo lale dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay ka qayb-qaateen dagaalkii xoogganaa ee ka dhacay halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa in mar kale uu dhiig ku daato degmada Doolow ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here