Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda ka taagan gobolka Gedo

0

GARBAHAAREY (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee gobolka.

 

Macallimuu ayaa sheegay inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaq uu sheegay inay Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano hoostaga Gedo, isla markaana ay ka hortegi doonaan.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gobolka wuxuuna sheegay inay sameyn doonaan gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay sida daran u saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka Elnino, kuwaas saameyn xoogleh ku yeeshay kumanaan qoysas ah oo ka barakacay guryahooda, halka kuwa kale ay ku go’doomeen degmooyinka Baardheere iyo Doolow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here