GAROOWE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan.
Odayaashadhaqanka iyo waxgaradka Puntland ayaa haatan wado waan waan ay ku doonayaan inay isku soo hor fariisiyaan, oo laga baaqsado dagaal dhex mari kara xukuumadda Puntland iyo mucaaradka.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo xiisad dagaal laga dareemayo magaalada caasimadda ah ee Garoowe, oo shacabka qaarkood ay ka barakeecn.
Xiisadda ayaa salka ku haysa doorashooyinka Puntland, oo xukuumadda madaxweyne Deni ay sheegtay inay qabaneyso mid qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay doonayaan in lagu wado habkii hore.