Wararkii ugu dambeeyay howlgallo culus oo ka socda koonfurta gobolka Mudug

0

XARARDHEERE (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay howlgal qorsheysan ka wada deegaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug.

 

Ciidamada ayaa howlgalka kula wareegay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ku dhawaad 50KM dhinaca galbeed kaga beegan degmada Xarardheere.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay qorshaha Al-Shabaab looga xoreynayo deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada isbaheysanaya ayaa guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka waday deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, kuwaa soo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here