Wararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socda duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Howlgallada oo ay sameynayaan ciidamada dowladda ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga deegaankaas oo dhaca waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in howlgalladan maalmaha qaatay lagu soo qabtay shaqsiyaad la tuhmay, isla markaana ay ku socdaan baaritaaano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ayna xoojin doonaan feejignaantooda ku aadan weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Maalmihii u dambe ayaa waxaa Muqdisho laga dareemay xaalad amni, kadib weeraro ay A-Shabaab ka fulisay gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis kaas oo lagu laayay dad badan oo rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here