MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 70 dagaalyahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal milatari oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Isniintii.
Howlgalka oo lagu magacaabo Duufaanta Aamusan ayaa lala beegsaday fariisimo muhiim ah oo al-Shabaab ku lahaayeen degmada Bariire oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, qiyaastii 73 kiiloomitir u jirta magaalada Muqdisho.
“Intii uu socday howlgalka, al-Shabaab waxay isku dayeen weerar ismiidaamin ah iyagoo isticmaalaya laba gaari oo walxaha qarxa lagu soo raray. Hase yeeshee ciidamada ayaa si feejignaan leh uga hortagay, una burburiyay gawaaridaas ka hor intaanay waxyeello geysan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in labo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka lagu dilay dagaalka, halka 12 kalena ay dhaawacmeen.
Howlgalka waxaa qeyb ka ahaa ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana sidoo kale taageeray saaxiibada caalamiga ah. Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay oo jab xooggan lagu gaarsiiyay al-Shabaab.
Warkan ayaa imaanaya maalmo un kaddib markii AUSSOM ay sheegtay in in ka badan 50 dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab lagu dilay howlgal hore oo isla gobolkaas ka dhacay, kaasoo si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.
Kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo si joogto ah u beegsanaysa ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka rayidka ah.




