MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Xog heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegeysa in ugu yaraan 3 kamid ahaa shaqaalaha QM ay ku dhinteen weerarka, waxaana jiro dhaawacyo kale.
Qoraal kasoo baxay taliska ATMIS ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarkan, iyada oo tacsi loogu diray ehelada dadka ku dhintay weerarkaasi.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan madaafiicda lagu garaacay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Inta badan Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacda xarumo muhiimka ah ee ku yaalla caasimada, sida gaaroonka Aadan Cadde iyo dhismaha xarunta madaxtooyada dalka.
Halkan hoose ka daawo warbixinta:-