DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Glamudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ka warbixiyay howlgallada la filayo inay dhawaan ka billowdaan gobollada dhexe iyo kulamada uu madaxweyne Xasan Sheekh ka wado gudaha magaalada caasimada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Ciid ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu sii joogi doono Dhuusamareeb, isla-markaana uu halkaas ka wado dhaq-dhaqaaqyo lagu dardar-gelinayo howlgallada xoreynta ee ka bilaabanaya Galmudug.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamada huwanta ay dhaqaaqi doonaan, isla-markaana ay kusii jeedaan magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud, si looga saaro Al-Shabaab.
Dhinaca Mudug wuxuu soo hadal qaaday deegaanada Bacaad, Camaara iyo Shabeelow, si aaggaasna looga fogeeyo xubnaha Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabulka halkaasi.
Galmudug ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamadii ugu badnaa oo loo diyaariyay duulaanka Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jiro Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Macawisleyda.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal, waxaana qorshuhu yahay in wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ku soo biiraan waddamada dariska ah.