Wararkii ugu dambeeyay kulanka BF ee uu maanta tegayo madaxweyne Xasan

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qorshaha uu yahay inuu hortago xildhibaannada labada gole oo kulan wadajir ah ku yeelan doono magaalada Muqdisho.

 

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa madaxweynaha wuxuu codsaday todobaadkii hore, kadib markii uu casho sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka dalban doono xildhibaanada in ay sii shaqeeyaan oo muddo bil ah dib loo dhigo xiritaanka kalfadhiga baarlamaanka.

Sidoo kale qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah in muddadaas dhexdeeda loo ansixiyo hindisaha doorashooyin qof iyo cod ah iyo in la meel mariyo guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Arrintan ayaa waxaa ka taagan dood xooggan, waxaana go’aankan oo laga soo saary shirkii golaha wadatashiga qaranka ka horyimid Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here