Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare u badan dhaawac.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay sarkaal lagu magacaabo Gaashaanle sare Cali Xaashi, xilli uu kusii socday dhinaca degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaashaanle sare Cali Xaashi oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay inuu ka bad-baaday qaraxa, balse waxa uu xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaaladiisa.

“Seddex Askari ayaa dhaawac ah, aniguna waan ka badbaaday qaraxa” ayuu wareysiga ku yiri Gaashaanle sare Cali Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here