Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo iyo weerar toos ah oo ka dhacay Baardheere

0

BAARDHEERE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa oo maanta lagu qaaday xero lagu tabbabaro ciidamada dib u xorreynta oo ku taalla degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu beegsaday Xerada ADC oo lagu tabbabaro dhallinyarada dooneysa in ay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in Qaraxyadii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux oo midi ahaa askari, halka ay tilmaameen in dhaawac uu soo gaaray 18 kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyada ayaa durba loo cararay goobaha caafimaadka si wax looga qabto xaaladooda caafimaad.

Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay maamulka iyo Saraakiiisha Ciidanka ee Degmada Baardheere ayaan innoo suuro gelin in aan qadka ku haleelno si aan wax badan uga weydiino qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baardheere.

Dhinaca kale, Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Xerada ADC oo kaabiga ku haysa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxa koowaad ay ku beegsadeen xerada ADC halka kan labaad ay la eegteen Ciidanka Itoobiya kuwaasi oo sida ay shegeen ahaa gurmad.

Qoraalka Al Shabaab ayaa lagu xusay in qaraxii lagu weeraray xerada ADC uu khasaaro lixaad leh gaarsiiyay Saraakiil iyo askar ku sugnaa xerada islamarkaana uu burbur u geystay gaadiid iyo hub dhex yiilay xerada sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaa hadda majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkii ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Si-kastaba, Ururka Al Shabaab ayaa u muuqdo in ay kordhiyeen weerarada u badan qaraxyada tan iyo markii uu hakad ku yimid howlgalladii ka socday dalka, iyadoona dhinaca kale xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe lagu billaabayo wajigad labaad howlgallada ka dhanka Al Shabaab, kuwaasi oo xooggooda laga sameyn doono Gobollada Jubbooyinka oo weli ay ku xoogan yihiin Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here