Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay duleedka Muqdisho + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay duleedka Muqdisho, kuwaas oo loo adeegsaday gawaari qaraxyo laga soo buuxiyay.

 

Weerarka koowaad oo ahaa ismiidaamin ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley, waxaana lagu beegsaday barkoontarool ay oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray goobta ay joogeen ciidamada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawc.

Inta la xaqiijiyay illaa 4 askari ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Fahad Salaad Maxamed oo ahaa wiil dhalinyaro ah, isla markaana ahaa darawal, kaas oo gaarigii Cabdille Bilaha ee uu waday u dhigay baabuurka qarxay, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana uu ahaa gaari la dhigay xaafad ay daganaayeen dad shacab ah.

Gaariga ayaa qarxay, waxaana goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah ee uu gaystay qaraxaasi.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here