Wararkii ugu dambeeyay safarka ra’iisul wasaare Xamza ee dalka Ciraaq

0

BAQDAAD (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaadi doono sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada waddan.

DHAMMAAD.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here