Wararkii ugu dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga uga socdo Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) –  Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si habsami leh uga socdo Caasimadda Muqdisho.

 

Shirkan oo ah kii tobanaad fadhigiisa labaad Waxaa gudoomiye Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah R/Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, R/wasaare xigeen mudane Saalax Jaamac Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkan ayaa waxa ay madaxda uga doodeen qodobada horu-tabinta u leh Dowlad dhiska, la dagaalanka argagixisada, dimuqraadiyeynta iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada.

”Maanta waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino la xiriira xaaladaha nabadgelyo, iyo horumar ee guud ahaan dalka” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxweynaha JFS mudane C/raxmaan Xudeyfi isaga oo dhinaca kalana rajjo wanaagsan ka muujiyey in shirku ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah dalka iyo dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here