Wararkii ugu dambeeyay weerarka xabsiga dhexe ee Xamar + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar, kadib howlgal culus oo saacado qaatay.

 

Weerarka ayaa waxaa soo abaabulay xubno ku eedeysnaa Al-Shabaabnimo, kuwaas oo loo dusiyay hub iyo bambaanooyin, ayaga oo sidaas kula dagaalamay ciidamada ammaanka.

Dhammaan ragga maxaabiista ah ee weerarka abaabulay ayaa la toogtay, kuwaas oo tiradoodu ay ahayd afar nin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay laba maxbuus halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo kamid ahaa kuwa ku xiran xabsiga.

Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaase soconayo baaris ay wadaan saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here