JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in saaka halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.
Xiisaddan ayaa salka ku hayso is qab qabsi ka dhashay dhul beereed ay dhinacyadu isku maan dhaafeen, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka qaraxo halkaasi.
Labada dhinac ayaa saacadihii la soo dhaafay heley gurmadyo kala duwan, taas oo leh walaaceeda ku aadan in dagaa uu billowdo.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xiisaddan ay soo taagneyd in muddo ah, wuxuuna intaasi ku daray in beelahan oo wada daga duleedka magaalada Jowhar ay yihiin dad wada dhashay, haddana loo baahan yahay in xal loo keeno xiisaddan cusub.
Qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa in muddo ah ka taagan colaad beeleedyo u dhexeeya beelo wada daga gobolkaasi, inkastoo ciidamo ay u dirtay dowladda ay kala dhex galeen qaar kamid beelaha ku sugan aagga degmada Cadale.