Wararkii ugu dambeeyay xiisad xoogan oo ka taagan magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad xoogan, kadib tallaabo ay qaadeen ciidamada ammaanka  ee dowlad goboleedka Jubbland.

 

Ciidamada ayaa soo xiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay xabsiga la dhigay.

Sidoo kale waxa xalay magaalada Kismaayo lagu weeraray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland, kaas oo ay gurigiisa tageen ciidamo, balse uu ka badbaaday.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in haatan Kismaayo laga dareemayo xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada ka socdo gudaha magaaladaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli mucaaradka Jubbaland ay bilaabeen abaabul ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe, waxayna dalbanayaan in la qabto doorashada Jubbland, laakiin waxaa diidan madaxweynaha oo aan weli diyaar u ahayn in la aado doorasho.

Jubbaland ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay khilaafka doorashada oo ka dhasha kursi isku dhajinta Axmed Madoobe oo hoggaanka u haya maamulkaasi tan iyo 2013-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here