Wararkii ugu dambeeyey israsaaseyn ka dhacday Beledweyne + khasaaraha

0

BELEDWEYNE (SMN) – Rasaas xoogan ayaa laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne, gaar ahaan aaga xerada Lama Galaay oo ah halka ay ku sugan yihiin madaxda HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban uu dhex-maray ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo kuwa kale oo taabacsan mid ka mid ah musharaxiinta ku sugan halkaasi.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay israsaaseynta labada dhinac, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana shaqaaqadaasi ku baxay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here