Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo ka dhacay caasimadda Uganda

0

KAMPALA (SMN) – Labo qarax ayaa saaka ka dhacay bartamaha caasimadda Uganda ee Kampala, sida ay wararka ay sheegayaan.

Wararka kasoo baxaya dalkaas ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay xarun laga dukaameysto oo u dhaw saldhigga dhexe ee booliska iyo halka qaraxa kale uu ka dhacay meel u dhaw baarlamaanka.

Qaraxyadan ayaa gilgilay dhismayaal, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ku dhinteen ugu yaraan illaa  2 qof.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii labo qof ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay dalkaas. Mas’uuliyiinta waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen koox fallaago ah oo Islaami ah fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Ugu yaraan 50 qof ayaa la xiray, qaar kamid ah dadkan ayaa dacwad lagu soo oogay tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here