Faah-faahinta: Xiisad dagaal oo maanta ka taagan degmada Balanballe

0

BALANBALLE (SMN) –  Wararka ka imaanayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Balanballe ee gobolkaasi, taas oo u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed oo isku horfadhiyo halkaasi.

 

Maleeshiyaadka labada beelood oo isku hayo arrimo la xiriira dhul daaqsimeed ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada aagga degmada Balanballe.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ay marar badan labada dhinac ku dagaalameen degmadaasi.

Galgaduud ayaa waxaa kusoo laa laabtay colaad beeleedyo, waxaana shalay oo u dambeysay uu dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanka Bidhaan-Dheer oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay isku fara saarayeen laba maleeshiyo beeleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here