Warbaahinta madaxa banaan oo hakisay wada-shaqeyntii xukuumadda

0

MUQDISHO (SMN) – Talefishinada iyo Idaacadaha ku midaysan Golaha Warbaahinta Madaxa banaan waxaa ay mar kale si buuxda u qaadaceen tabinta Banbaxa Golaha Wasiiradu qabanayaan.

 

Golohu isaga oo daba socda go’aankoodii ahaa in howl aanay qayb ka ahayn aysan lug ku yeelan doonin, waxaa uu u arkaa doodaha Madaxda sare ay ku qarinayaan xaqiiqada jirta iyo Banbaxa ay golaha wasiiradu ku soo bandhigayaan waxqabadkooda in uu yahay mid xaqiiqada ka fog, lagalana dhuumanayo warbaahinta xorta ah si aanay xaqiiqada ugu soo bandhigay ra’yulcaalamka iyo shacabka Soomaaliyeed intaba.

Ugu danbayntii,Golaha Warbaahinta madaxabanaan waxaa uu xaqiijinayaa in aanay tabin doonin wax kasta oo ay xaafiisyadooda warfaafintu ku marin habaabinayaan xaqiiqada ka jirta dalka Soomaaliya.

Wabillaahi Tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here