Warbixin cusub oo laga soo saaray barakacayaasha ku nool Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Sida lagu sheegay warbixin cilmi-baariseed ay soo saareen machadka SIDRA oo ah mid maxaliya, tirada dadka barakacayaasha ah ee ku nool Garoowe ayaa lagu sheegay inay yihiin ilaa 8,500 oo qoys.

 

Dadkaas warbixintu waxay sheegtay in sababaha ay u barakaceen ay ka mid yihiin colaaddaha ka jira qayba ka mida Soomaaliya, abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ee ka jira dalka.

Maxamed Bashiir Siciid oo ka tirsan machadka SIDRA, ayaa BBC-da u sheegay in cilmi-baaristooda ay ku ogaadeen dhowr caqabadood oo haysta dadka barakacayaasha ah.

Waxyaabaha ugu darran ee wajahayaan ayuu sheegay inay ka mid tahay xirfad yari, faqriga oo ah dhibaatada ugu weyn haystaa gaar ahaan markii uu meesha ka baxay isticmaalkii shiling Soomaaliga deegaanada Puntland oo aad ugu tiirsanayeen dadkaasi.

Warbixintu waxay sheegtay in goobaha dadkaasi ay ku nool yihiin aysan haysan waxbarasho sare iyo goobo lagu barto farsamada gacanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here